U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Baraawe Oo Ka Warbixiyey Qarax Ciidamada AMISOM Lagula Eegtay Degmadaasi

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Baraawe ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa ka warbixiyey qarax Miino oo ciidamada AMISOM lagula eegtay duleedka degmadaasi.

Guddoomiyaha Baraawe Xuseen Maxamed Barre oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in khasaare aanu soo gaarin askartii lala eegtay qaraxaasi, hase ahaatee ay waxyeello soo gaartay gaariga Miinada ku qaraxday.

Guddoomiyaha ayaa dhinaca kale beeniyey in ciidamada Al-shabaab ay qaraxaasi kadib weerar kusoo qaadeen fariisimo ciidanka AMISOM ku lahaayeen degmadaasi.

“Waa been dagaal ka dhacay degmada ma jirto laakiinse duleedka degmada ayaa qarax lagula eegtay ciidamada AMISOM oo gaari ay wateen waxyeello soo gaartay” ayuu yiri guddoomiyaha.

Al-shabaab ayaa baraha Internetka ku leeyihiin waxay ku sheegeen in ay dileen askar ka mid AMISOM, kadib qarax iyo weerar isla socday oo ay ku qaadeen kolonyo ciidankaasi ah.

Goobjoog News