U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Belad-xaawo Oo Sheegay In Ay Kordheen Tacadiyada Ay Geysanayaan Ciidamada Kenya

Sheeko:Dalka

Mas’uuliyiinta gobolka Gedo ayaa sheegay in guud ahaan ay xireen xadka u dhaxeeya magaalada Belad-xaawo iyo Mandheera, waxa ayna ku sababeeyeen in uu kordhay xad-gudubka ay geystaan ciidamada Kenya ee ku sugan xadka.

Guddoomiyaha degamada Belad-xaawo Maxamuud Cismaan ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay go’aansadeen xiridda isku socodka labada magaalo waxa uuna yiri:

“Xaduudda Kenya ayaa horay u xirtay annaguna waan xireynaa, maaddaama aan ku aragnay dhibaato badan, maamulka Mandheera kuma aanan arag wax nala shaqeeyo”.

Dadka ku nool magaalada Belad-xaawo ee gobolka Gedo ayaa soo dhoweeyay dhankooda tallaabada uu qaatay maamulka, kaasi oo ku aaddan isu-socodka labada magaalo.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada