U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Buuloburde Oo Ka Hadlay Sababta Ay Ciidamada Itoobiya Uga Baxeen Deegaanka Buq’aqable

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Buuloburde ee gobalka Hiiraan ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay sababta ay ciidamada Itoobiya maalintii shalay ahayd uga baxeen deegaanka Buq’aqable ee gobalka Hiiraan.

Gudoomiyaha degmadaasi Cabdicasiis Duurow oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in ciidamada sababta ay degmadaasi uga baxeen tahay qorshe Milatari.

Waxa uu tilmaamay in ciidamada ay ku sugan yihiin deegaan aan sidaa uga fogeen deegaanka Buq’aqable islamarkaana maalmaha soo aadan ay gaari doonaan.

“Arrimo ciidanka ah ayeey ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya uga baxeen deegaanka Buq’aqable, hadana kama dheera oo dib ayeey ugu laaban doonaan” ayuu yiri Gudoomiyaha.

Gudoomiyaha ayaa dhinaca kale ugu baaqay taliska AMISOM in aysan dib uga laaban ciidankooda deegaanada ay la wareegaan, isaga oo sheegay in ay wanaagsan tahay kahor in laga fiirsado ka bixitaanka deegaanka horay loo qabtay.

Ciidamada Xarakada Al-shabaab ayaa dib ula wareegay deegaanka Buq’aqable ee gobalka Hiiraan, ka dib markii ay isaga baxeen ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya.

Goobjoog News