U bood dhigaalka

Maamulka degmada Buulo-burte oo guul ka sheegtay dagaal ay la galeen Al-shabaab (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Buulo-burte ee gobalka Hiiraan ayaa guulo ka sheegtay dagaal ay la galeen Al-shabaab, kaa oo ka dhacay isla deegaanka Yasoomann ee isla gobalkaasi.

Cabdicasiis Duuroow Cabdi oo ah Gudoomiyaha dagmada Buulo-burte oo u waramayay Goobjoog Fm, ayaa sheegay inuu dagaalkaasi ku bilowday weerar ay ku qaadeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM deegaankaasi, ka dib markii ay ogaadeen in ay dib ugu soo laabteen halkaasi dagaalyahanada Ururka Al shabaab.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in ay qasaare xoogan gaarsiiyeen Al-Shabaab, dhankoodana ay Laba Askari kaga dhinteen oo mid ka mid ah uu ahaa Ciidamada Jabuuti, kuwo kalena ay ka dhaawacmeen.

Dhanka kale Gudoomiye Duuroow ayaa sheegay in hadda deegaankii ay weerareen ay iyagu gacanta ku hayaan, xaaladuna tahay mid degan, waxaana dhinaca kale uu sheegay in ay soo qabteen rag ka mid ah Al-shabaab ka dib howlgal ay sameeyeen.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News