U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Buuloburde Oo Ku Baaqay Gurmad Lala Gaaro Dadka Ku Dhibban Degmadaasi

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Buuloburde ee gobalka Hiiraan ayaa ku baaqay in gurmad bini’aadannimo oo degdeg ah lala gaaro dadka ku dhaqan degmadaasi qaarkood oo xilligaan xaalad nolol xumo ay soo wajahday.

Duqa degmadaasi Cismaan Geeddi Cilmi oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in biyo la’aan baahsan ay ka jirto degmadaasi iyo nawaaxigeeda, islamarkaana ay jiraan dad u dhintay Biyo la’aantaasi.

Wuxuu sheegay Mr Cilmi inay u muuqato ka maamul ahaan xaalad aad u daran oo dhanka nolosha ah, islamarkaana dadku ay yihiin kuwo aan awoodin inay biyo keensadaan, wabiga oo biyahii ka gureen iyo sidoo kale ceelashii magaaladaasi qaarkood oo aan shaqeyneyn darteed.

“Biyo la’aan aad u baahsan baa jirto, ceelashii wey biyo yareeyeen, wabigii wuu guray, Buuloburde iyo deegaannada hoostaga tani wey saameysay, cudurro ayaana ka dilaacay degmada” ayuu yiri Cismaan Geedi.

Sidoo kale mas’uulkaan ayaa sheegay in degmada Buuloburde ay horay go’doon u ahayd oo anay jirin waddooyin gala degmadaasi oo furan, islamarkaana dad badan ay la il darnaayeen caafimaad darro iyo gaajo, ayna ugu sii darsantay biyo La’aanta xilligan jirta.

Ugu dambeyn duqa degmada Buuloburde ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha samafalka ah inay gurmad degdeg ah la gaaraan shacabka degmadaasi oo halis ugu jira inay u dhammaadaan biyo la’aanta jirta.

Deegaanada uu maro wabiga Shabelle waxaa ka jirta biyo la’aan baahsan, waxaa guray wabigii, meelaha qaar oo biyo yar ay ku hareenna waxaa isbedalay muuqaalka biyahaasi.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada