U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Buuloburde Oo Sheegay In Al-shabaab Ay Kala Wareegeen Deegaanno Dhowr Ah

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Buuloburde ee gobalka Hiiraan ayaa faah faahin ka bixiyay howlgal ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ka wadaan deegaano hoostaga degmadaasi, iyaga oo sheegay in ciidamada ay la wareegeen deegaanno dhowr ah.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka maaliyadda degmada Buuloburde ahna sii hayaha xilka gudoomiyaha degmada Liibaan Cabdi Burusow ayaa u sheegay Goobjoog News in ciidamada ay Al-shabaab kala wareegeen deegaano badan oo uu ka mid yahay Ceel-bacad, kuna sii wajahan yihiin deegaano kale.

“Ciidamada waxa ay howlgal ka wadaan deegaano dhanka bariga xiga, waxa ay ciidamada la wareegeen deegaanka Ceel-bacad, kuwo kale ayeey kusii socdaan, howlgalada waa kuwo socda, saakana ciidanka waxa ay ku baxeen deegaanno kale” ayuu yiri Gudoomiyaha.

Dhinaca kale Burusow ayaa sheegay in ciidamada ay ka go’an tahay deegaan walba oo Al-shabaab ku sugan yihiin in ay la wareegeen, dhawaanna la furi doono wadooyinka muhiimka ah ee gala degmadaasi.

Xarakada Al-shabaab dhankeeda wax war ah kama aysan soo saarin deegaanadaan la sheegay in lagala wareegay, hase yeeshee maalmihii ugu dambeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa dhaqdhaqaaq milatari ka wada gobalka Hiiraan.

Goobjoog News