U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Buuloburte Oo Dhaliilay Dowladda Federaalka

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Buuloburte ee gobolka Hiiraan ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inay ka gaabisay wax ka qabashada waddooyinka xiran ee degmadaasi soo gala.

Duqa degmadaasi Cismaan Geedi Cilmi oo la hadlay Goobjoog News waxa uu sheegay in dowladda haddii ay ugu talo gasho in la furo waddooyinkaasi ay mar hore furi lahayd, balse xilligaan aanay dooneyn in shacabka degmada Buuloburte loo furo waddooyinka waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Mar haddii ciidamada u kaalmeenaya dowladda ay joogaan deegaanno badan oo gobolka Hiiraan ah waxaan is leeyahay dowladda haddii ay ku talo gasho in la furi karo ayaan is leeyahay, waxaan is leeyahay meeshaan waa laga gaabiyey, dadku rajo bay qabeen oo ah in waddooyinka loo furo laakiinse hadda waa ay niyad jabeen, waxaana jirta dadaal xumo oo dowladda dhankeeda ka yimid”

Cismaan Geeddi ayaa ugu dambeyn ugu baaqay dowladda Soomaaliya in ay u gurmaro shacabka degmada Buuloburte oo muddo go’doonsa, islamarkaana u furto waddooyinka muhiimka ah ee degmadaasi.

Goobjoog News