Maamulka degmada Buur-hakaba oo sheegay inay dileen Rag isbaaro u taalay (Dhageyso)

Maamulka Degmada Buur hakaba ee Gobolka Baay ayaa sheegay in Ciidamada Dowlada hawlgalo ay ka fuliyeen Degaan hoos taga Degmadaasi ay ku dileen rag isbaaro dhiganayay.

Ragaan ay dileen ayuu sheegay in ay isku dayeen iska hor imaad inay la galaan ciidamadii amniga waday, sidoo kale ay la dagaalami doonaan cid walba oo dhibaato wada.

Gudoomiye ku xigeenka Degmadaasi Xuseen Maankalow oo u waramay Goobjoog Fm, ayaa sheegay in Ciidamadu ay sii wadi doonaan hawlgalada ay ku sugayaan amaanka Degmada.

Mar uu soo hadal qaaday dhanka amaanka ayuu sheegay in hadda la dareemayo isbedal, wixii ka dambeeyay howlgalada ay sida tooska ah u bilaabeen ciidamada amniga.

Halkaan Hoose ka dhageyso

Goobjoog Fm

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW