U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Caabudwaaq Oo Ku Baaqay In Loo Gurmado Barakacayaasha Ku Sugan Degmadaasi

Sheeko:Dalka

Maamulka Degmada Caabudwaaq ee gobalka Galgaduud ayaa sheegay in xaalad adag oo dhanka nolosha ah ay soo food saartay barakacayaasha ku dhaqan degmadaasi, kuna baaqay in gurmad loo fidyo.

Gudoomiyaha degmadaasi Mahad Cumar Cilmi oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in xaaladda dadkaasi ay yihiin mid daran, ayna hadda u baahan yihiin Raashiin, Biyo iyo Dawo.

Waxa uu tilmaamay in horay meelaha dadkaasi ku nool yihiin u tageen Hay’ado samafal ah, hase ahaatee aysan jirin illaa iyo haatan cid wax u qabatay.

“Dadkaan wey dhiban yihiin, cid walbo waxaa looga baahan yahay inay caawinaadda qeybteeda ka qaadato, dadka ma haystaan waxyaabaha nolosha u muhiimsan, hay’ado baa u tagay meelaha ay ku noolyihiin, laakiinse illaa iyo haatan ma jirto cid wax u qabatay” ayuu yiri Gudoomiyaha.

Barakacayaal badan ayaa ku dhaqan xerooyin ku yaalla degmada Caabduwaaq ee gobalka Galgaduud, waxaana ay u baahan yihiin gurmad bini’aadannimo oo deg deg ah.

Goobjoog News