U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Cadalle Oo Wada Hadalsiinayo Beello Ku Dagaallamayu Degmadaasi

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Cadalle ee gobolka Shaballaha dhexe ayaa sheegay in ay wadaan dedaallo lagu wadahadalsiinayo beello walaalo ah oo dhowaan ku dagaallamay degmadaasi iyo deegaanno ku dhow.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka degmada Cadalle, C/raxmaan Axmed Cabdi oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in xilligan degmadaasi aanu ka jirin wax dagaal ah, islamarkaana ka maamul ahaan ay wadaan waan waan nabadeed.

Waxa uu sheegay guddoomiye ku xigeenka sido kale in uu soconayo dedaal kii ugu dambeeyey oo la isugu keenayo beelahan ku dagaallamay degmada Cadalle.

“Hadda waxa dagaal ah oo socda meleh, waxaana maamulka uu doonayaa inuu dhex dhexaadiyo beelihii dagaallamay, nabadda aad bay u wanaagsan tahay, waana ka wada shaqeyn doonnaa, wixii dhacay wey dhaceen, laakiinse waxaan ku dadaaleynaa in wax kale aaney dhicin” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka.

In ka badan 10 qof ayaa ku geeriyootey dagaallo qaab qabiil u abaabulan oo Todobaayadii lasoo dhaafay ka dhacay degmada Cadalle ee gobolka Shabellaha Dhexe iyo deegaanno kale oo degmadaasi ku dhow.

Goobjoog News