U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Dharkeynley Oo Ku Baaqay Dhismaha Waddooyin Burbursan

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay maamulka gobolka Dhisamaha waddooyin muhiim ah oo burbur xooggan qaba.

Cumar Mayre Macow oo ah guddoomiyaha degmadaasi ayaa si gaar ah uga codsaday guddoomiyaha gobolka Banaadir in la dhiso laamiga isku xira Korontada illaa iyo Xoosh ee degmadaasi.

Wuxuu sheegay in su’aalaha ugu badan ee shacabka degmadaasi weydiiyaan tahay dhismaha waddooyinka muhiimka ah.

“Wax badan oo u baahan in wax laga qabto ayaa jirta sida laamiga isku xira Korontada illaa iyo xoosh ee degmada Dharkeynley oo aan kaa codsanayo guddoomiye inaad wax nagala qabato, aniga ka guddoomiye ahaan su’aallo badan baan shacabka kala kulmaa guddoomiye, waxaa jira meello biyo dageen ah oo u baahan in qorshe loo keeno islamarkaana la dhiso” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Dharkeynley .

Maamulka gobolka Banaadir ayaa ku guuleystay dhismaha waddooyin muhiim ah oo ku yaalla magaalada Muqdisho, waxaana lagu dhisay waddooyinkaasi barnaamijka dalkaaga ku dhiso Hal doolar.

Goobjoog News