U bood dhigaalka

Maamulka Dhuusamareeb oo faah faahiyay qorshe la doonayo in lagu dhiso xarunta maxkamada ee degmadaasi (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

DhuusaMaamulka degmada Dhuusa Mareeb ee gobalka Gal-gaduud ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay qorshooyin dib u dhis ah, kaa oo ka soconaya magaaladaasi.

Macalin Cabdiraxmaan Cali Maxamed Geeda Qorow oo ah gudoomiyaha degmadaasi oo u waramay Goobjoog Fm, ayaa sheegay in meelaha danta guud ah iyo sidoo kale xarumaha maamulkaasi dhismooyin lagu wado.

Xarunta maxkamada ee degmadaasi ayuu sheegay in hadda ay wadaan qorshe ay ku dayactirayaan, islamarkaana ay keeni doonaan dhamaan agabka looga baahan yahay Maxkamada, lana dhisi doono darbiga wareega ah ee xaruntaasi.

Dhanka kale waxa uu sheegay Gudoomiyaha in la dhagax dhigay xarunta gobalka, islamarkaana dhawaan la filayo in dhismo lagu bilaabo, kaa oo ay ka qeyb qaadan doonaan shacabka Gal-gaduud.

Geeda Qorow ayaa dhanka kale sheegay in ka maamul ahaan ay ku dadaalayaan sidii shacabka Gal-gaduud, iyo dowladda Soomaaliya loogu soo jeedin lahaa ka qeyb qaadashada dhismooyinka danta guud si loo helo adeeg maamul oo dhameystiran.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News