U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Hobyo Oo Beeniyay Dabeylo La Sheegay Inay Ku Dhufteen Degmadaasi

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha degmada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa ka hadlay warar soo baxayay maanta gelinkii hore ee sheegayay in dabeylo ay ku dhufteen.

Wuxuu sheegay in xaaladda magaalada Hobyo ay tahay caadi islamarkaana aynaan jirin dabeylo ku dhuftay Hobyo.

Guddoomiyaha degmada Hobyo Cabdullaahi Axmed Cali ayaa sheegay in ka maamul ahaan aysan ka warqabin dabeylo jira islamarkaana ay caadi ku socdaan howlihii kalluumeysatada.

Waxa uu sheegay in dhibaatooyin iyo baahiyo ka jira degmada ay ku howlan yihiin sidii wax looga qaban lahaa siiba horumarinta arrimaha bulshada ee degmadaasi.

“Magaalada Hobyo waa wanaagsan tahay xaaladdeeda waxaana hadda xaalado adag ay ka jiraan degaanno hoostaga degmada Hobyo oo dhowr degaan ah” ayuu yiri guddoomiyaha Hobyo.

Degaannada xaaladaha adag ay ka jiraan oo hoostaga degmada Hobyo waxaa dhibaatooyinka ugu daran kamid ah biyo la’aan iyo raashin la’aan.

“ Ma jiraan wax biyo ah iyo wax gargaar ah oo ay dadkaasi heleen muddo, waxaana heysata biyo la’aan aad u daran, marka waxaan ku baaqayaa in dadkaasi lala soo gaaro kaalmo” ayuu yiri guddoomiyaha.

Waxa uu soo hadal qaaday arrimaha bulshada wuxuuna sheegay in caafimaadka iyo dhismaha waddooyinka ay horumarinayaan oo ay ka maamul ahaan ku howlan yihiin iyaga oo kaashanaya bulshada degaanka.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha degmada Hobyo Cabdullaahi Axmed Cali ayaa ku baaqay in la gargaaro bulshada ku dhaqan degaannada hoostaga Hobyo oo haatan biyo la’aani ay ugu daran tahay.

Goobjoog News