U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Hobyo Oo Cabasho Ka Ah Maraakiib Shisheeye

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha maamulka degmada Hobyo C/laahi Axmed Cali ayaa sheegay in maraakiibta shisheeye ay dhibaato ku hayaan xeebaha gobolka Mudug islamarkaana xilli walbo caqabad ku yihiin kalluumeysatada ka jillaabta xeebaha degmada Hobyo.

Waxa uu sheegay guddoomiyaha inay ku howlan yihiin sidii wax uga qaban lahaayeen maraakiibta xaalufka ka sameeya xeebaha gobolka Mudug.

“Waxaad moodaa in Soomaaliya badeeda noqotay meel aan la kala lahayn, Maraakiib waaweyn oo sharci darro ah ayaa kalluumeysi ka wada xeebaha gobolka Mudug, waxay xaalufinayaan kheyraadkii dhan, ciidan badda difaaca hadda ma muuqdaan, dhibaato weyn ayeey ku hayaan Kalluumeysatada, laakiinse haddii loo istaago wax badan baa laga qaban karaa, dhawaan waxaan wadnaa qorsheyaal badan oo aan arrimahan wax badan uga qaban doonno” ayuu yiri guddoomiyaha.

Sidoo kale guddoomiyaha degmada Hobyo ayaa u sheegay Goobjoog News in degmadaasi ay joogaan ciidamo badan oo u tababaran ilaalinta xeebaha balse aanay haysan qalabkii ay ku howlgeli lahaayeen.

Kalluumeysatada Soomaaliyeed ayaa caqabado badan kala kulma maraakiibta shisheeye, waxaana mararka qaar laga qaataa kalluunkii ay soo jillaabteen.

Goobjoog News