U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Hobyo Oo Sheegay In Awood Ay Kusoo Furan Doonaan Doon Lagu Qafaashay Xeebaha Mudug

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa sheegay in ay awood kusoo furan doonaan doon ganacsi oo dhowaan kooxaha burcad badeedda Soomaalida ku qafaasheen xeebaha gobolka Mudug.

Guddoomiyaha degmadaasi C/laahi Clai Axmed oo wareysi gaar ah siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay in kooxahan ay u dirayaan digniintii ugu dambeysay oo ah in si nabad ah kusii daayaan doontaasi, haddii kalena awood looga furan doono.

“Waxaan isku daynay inaaan u marno dariiq nabad galyo annaga oio adeegsaneyna odoyaasha dhaqanka ee ku heybta ah Burcad badeedda haysta doonta, odoyaashii waxay ka keeneen  in awoodoodii ay soo gaabatay waxna aysan ka qaban karin, annaga tallaabada inoo xogta waxa ay tahay in awood kusoo furanno haddii nabadgalyo kusoo deyn waayaan” ayuu yiri guddoomiyaha.

Koox Burcad badeed ah ayaa qafaashay doon ganacsi oo u rarneyd ganacsato Soomaaaliyeed, waxayna doonidaasi ku wajahneyd magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose.

Sanadkan waxaa dib usoo Laba kacleeyay kooxaha burcad badeedda Soomaalida, waxaana ay qafaasheen Labo doon iyo Markab, walow markii dambe ay sii daayeen markabkii ay haysteen.

Goobjoog News