U bood dhigaalka

Maamulka degmada Howlwadaag oo ka warbixiyay howlgalada ay ciidamada dowladda ka sameeyaan Suuqa Bakaaraha

Sheeko:Dalka
Suuqa Bakaaraha
Suuqa Bakaaraha

Maamulka degmada Howlwadaag ee dowladda Soomaaliya ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay howlgal ciidamada dowladda Soomaaliya ay ka sameeyaan suuqa weyn ee Bakaaraha, kaa oo la doonayo in lagu xaqiijiyo amniga.

Axmed Nuur Siyaad oo ah gudoomiyaha degmadaasi ayaa sheegay in ciidamada ay howlgalo ka sameeyaan suuqaasi, si loola dagaalamo dadka dhibaatada ku ah amniga, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dhanka kale waxa uu sheegay in degmada Howlwadaag ay ka bilaabeen arinta dariseenta si loo ogaado, guri walba cidda ku nool iyo sidoo kale in weli dadka ay yihiin xaafadahooda kuwo degan.

Gudoomiye Siyaad ayaa dhinaca kale soo hadal qaaday saameynta ay wadooyinka degmadaasi mara ku yeeshay roobkii dhawaan magaalada Muqdisho ka da’ay, isaga oo sheegay in shacabka ay kala tashteen sidii dib u habeyn loogu sameyn lahaa wadooyinkaasi.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News