U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Howlwadaag Oo Sheegay In Isbedal Amni Uu Ka Jiro Degmadaasi

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in isbedal amni uu ka jiro degmadaasi, islamarkaana ka maamul ahaan ay xaqiijiyeen amaanka degmadaasi.

Gudoomiyaha degmadaasi Cabdi Nuur Siyaas oo ka hadlay munaasab ka dhacday degmada Howlwadaag ayaa sheegay in ay sameeyeen ka maamul ahaan isku xirnaansho dhinaca shacabka iyo ciidamada amniga.

Waxa uu tilmaamay gudoomiyaha in ciidamada Booliiska iyo kuwa Nabad sugidda ay habeen iyo maalin howlgal ka wadaan degmadaasi, si loo sii xaqjiiyo amniga guud.

Dhinaca kale Gudoomiye Siyaad ayaa soo hadal qaaday in dhawaan degmada oo dhan laga bilaabi doono ururinta lacagaha canshuurta ah, si degmadana ay u noqoto mid hormarta shacabkana wax loogu qabto.

Ugu dambeyn ayaa gudoomiyaha degmada Howlwadaag Cabdi Nuur Siyaad waxa uu ugu baaqay shacabka ku dhaqan degmadaasi in ay sii xoojiyaan qaabka ay ula shaqeeyaan ciidamada amniga iyo sidoo kale in ay soo sheegaan cid walba oo ay u arkaan in amniga degmada wax u dhimayso.

Goobjoog News