U bood dhigaalka

Maamulka degmada Jalalaqsi ee Hiiraan oo ku baaqay in deg deg wax looga qabto xaalado ka jira degmada (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan ayaa sheegay in xaalado ay ka jiraan degmadaasi, ka dib markii roobabkii da’ay ay jareen wadooyinkii ay soo galayeen degmadaasi.

Gudoomiyaha degmada Jalalaqsi oo u waramay Goobjoog Fm, waxa uu tilmaamay in amaanka degmada uu yahay mid wanaagsan, islamarkaana la’isku halayn karo, waxaana dhanka kale uu sheegay in dadka xaalad adag ay haystao.

Dadka waxa uu sheegay in saameyn ay ku yeesheen wadooyinkii xirmay, taa oo sababtay in dadka xaalado u badan raashiin la’aan ay soo wajahdo.

Ugu dambeyn ayuu ugu baaqay dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo hay’adaha samafalka ah in deg deg ay kaalooyin ula soo gaaraan shacabka ku dhaqan degmadaasi.

Halkaan hoose ka dhageyso Wareysiga.

Goobjoog News