U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Jalalaqsi Oo Qeylo Dhaan Ka Muujiyay Waddooyinka Degmadaasi Gala Ee Weli u Xiran Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in shacabka ku dhaqan degmadaasi ay dhibaato aad u xooggan ku qabaan xirnaanshiyaha dhammaan wadooyinka soo gala ee degmadaasi, kuwaasi oo u xiran Xarakada Al-shabaab.

Ibraahim Madoobe Nuur oo ah gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo siyaasadda ee maamulka degmada Jalalaqsi ayaa isaga oo la hadlay Goobjoog News waxa uu tilmaamay in amniga degmada uu yahay mid wanaagsan balse cabaqadda ugu weyn ay tahay waddooyinka Xiran.

“Xaaladda ammaanka iyo waddooyinka xiran ee degmada Jalalaqsi amnigeeda waa mid aad u wanaagsan 100%, dhibaatada ugu weyn ee degmada ka jirta ayaa ah wadooyinka oo aan laga soo geli karin oo aanay imaan karin cid walbo oo bulshada wax u qaban lahayd, shacabkii aanay mari karin halkaasi, waxaana wadooyinkaasi Al-shabaab u xiran yihiin ku dhawaad sanad” ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka.

Dhinaca kale gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo siyaasadda ee degmada Jalalaqsi ayaa ugu baaqay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM in ay furaan wadooyinkaasi, islamarkaana ay eegaan baahiyaha ay qabaan shacabka degmada Jalalqsi.

Xarakada Al-shabaab ayaa billooyin badan waxaa u xiran waddooyin badan oo gobalka Hiiraan ah, waxaana xirnaanshiyaha wadooyinkaasi ay saameyn ballaaran ku yeelatay dadka shacabka ah.

Goobjoog News