U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Jowhar Oo Billaabaya Qorshe Loogu Gurmanayo Qoysaska Uu Ku Fatahay Wabiga Shabelle

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Jowhar ee gobalka Shabellaha Dhexe ayaa sheegay in ay billaabayaan qorshe ballaaran oo wax loogu qaban doono dadka deggan hareeraha Wabiga Shabelle oo uu saameynta ku yeeshay fatahaadda Wabiga.

Gudoomiyaha degmadaasi Cabdiqaadir Maxamed Cabdulle iyo xubno ka mid ah maamulkiisa ayaa socdaal ku tagay deegaanno ku dhaw degmada Jowhar iyo sidoo kale meelaha degmadaasi Wabiga uu ka maro, iyaga oo adeegsanayay doonyo.

Waxa ay la kulmeen dad badan oo dhibaateysan, kuwaasi oo u baahan gurmad dhan walbo leh, maadaama Wabiga uu ku fatahay guryihii ay deganaayeen.

Dadka qaar ayaa waxay sheegeen in aysan haysan meel ay ku hoydaan, wax ay cunaan, intaas oo dhanna usii dheer tahay caafimaad darro baahsan.

Gudoomiyaha Jowhar ayaa sheegay in si walba oo dadkaasi wax loogu qaban karo ay ugu gurmanayaan, maadaama noloshooda ay aad u adag tahay, waxaana uu hoosta ka xariiqay in cid walba uu usoo bandhigi doono waxa uu kala soo kulmay socdaalkiisa.

Wabiga Shabelle ayaa ku fatahay deegaanno badan oo ka mid ah gobalka Shabellaha Dhexe, waxaana saameyn uu ku yeeshay dad u badan beeraley.

Goobjoog News