U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Kaxda Ee Muqdisho Oo Ka Warbixiyey Dib u Dhis Ay Ku Wadaan Waddooyinka Degmadaasi

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey halka uu u marayo dib u dhis ballaaaran oo muddooyinkaan ku wadeen waddooyinka degmadaasi.

Maxamed Ismaaciil oo ah guddoomiyaha degmadaasi oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in hadda meel wanaagsan ay u marayaan dib u dhiska waddooyinka.

Wuxuu sheegay guddoomiyaha in dhowr qeyb ay u kala qaadeen dhismaha waddooyinka, wuxuuna tilmaaamay in qeybta Koowaad tahay in Carro Kaawo la saaro waddooyin, kadibna la dhigo Jaay, iyadoo ugu dambeyn Laam laga dhigi doono.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in shacabka ku dhaqan degmadaasi ay kaalin ka qaadanayaan dib u dhiska waddooyinka.

Degmada Kaxda ayaa ah degmadii ugu dambeysay ee Gobolka Banaadir, waxaana degmadaasi hadda ka socda qorsheyaal badan oo lagu horumarinayo.

Goobjoog News