U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Kaxda Oo Furaya Waddooyinka Xiran Ee Degmadaasi

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay wadaan qorsheyaal horumarineed oo degmadaasi ah, islamarkaana ay doonayaan in mashaariic kala duwan ka fuliyaan degmadaasi.

Guddoomiyaha degmadaasi Maxamed Ismaaciil oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in qorshaha ugu weyn ay tahay furista iyo dhismaha waddooyinka, islamarkaana ka degmo ahaan ay wadaan qorshaha mustaqbal ee ah in degmadaasi laami hesho.

“Laami waad garan kartaa arrin sahlan ma ahan, waa qorshe dheer oo heer gobol iyo heer Federaal ah, annaga degmo ayaan joognaa, waa naga go’an tahay inaan sameyno qorshaha inta waddo ee Laamiga u baahan” ayuu yiri guddoomiyaha.

“Marka hore waa in meelaha howtka ah inaan baneenno, marka ku xigana la helo Jaay iyo carro Kaawo, kadibna waa inaan helnaa Laamiga” ayuu hadalkiisa ku daray guddoomiyaha.

Ugu Dambeyn guddoomiyaha degmada Kaxda Maxamed Ismaaciil ayaa mar uu ka hadlayeyamniga ayuu sheegay in ka degmo ahaan ay ka mid yihiin degmooyinka Muqdisho ee xilligan ugu ammaanka wanaagsan.

Degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho ayaa ah degmadii ugu dambeysay ee ka mid noqota gobolka Banaadir, waxaana haatan degmadaasi ka socota horgelinta adeegyada bulshada lagama maarmaanka u ah.

Goobjoog News