U bood dhigaalka

Maamulka degmada Kunturwaareey oo 30 qof u soo qabqabtay tuhun la xiriira Al-shabaab

Sheeko:Dalka
Dad wayne ku sugan Kunturwaareey kadib qabsashada ciidamada huwanta
Dad wayne ku sugan Kunturwaareey kadib qabsashada ciidamada huwanta

Maamulka degmada Kunturwaareey ayaa faahfaahin ka bixiyay howl gallo 24-kii saac ee la soo dhaafay ay ciidamada ku soo qab-qabteen dad kor u dhaafaya 30 ruux.

Guddoomiyaha Kuntunwaareey Cabdiraxmaan Sabtow Daahir ayaa sheegay in ay ka go’an tahay xaqiijinta amniga isla markaana dadka ay gacanta ku hayaan ay ku socdaan baaritaanno si loo kala ogaado shacab iyo shabaab waxa ay kala yihiin.

Wuxuu sheegay Sabtow in howl galladan ay yihiin kuwa lagu xaqiijinayo ammaanka degmada Kunturwaareey saacadaha soo socdana dadkaasi oo hadda lagu hayo xabsiga degmada ay kala saarayaan.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo dhowaan la wareegay degmada Kunturwaareey ayaa wada howl gallo ay ku xaqiijinayaan ammaanka degmadaasi iyo deegaanada u dhow dhow.