U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Laascaanood Oo Ku Guuleystay Furisto Wado Aan Muddo La Marin

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Laascaanood ayaa holwgallo wado furis ah ka sameeyay xaafadaha bari ee Magaaladaasi.

Maamulka degmada Laascaanood ayaa arrintani ku sheegay inay tahay mid wax badan ka taraysa bilicdka iyo isku socodka magaaladaasi, waxaana wadada la furay ay dhacdaa dhinaca Bari ee Laascaanood.

Qaar kamid ah golaha deegaanka Laascaanood iyo dadka shacabka ah ayaa ka hadlay muhiimadda wadadani u leedahay dadka ku nool dhinaca Bari ee magaalada iyo guud ahaan Laascaanood.

“Aad baan ugu faraxsannaay wadadaani la furay, waa waddo shacabka muhimaad gaar ah u leh, waan soo dhaweynaynaa howshaan wanaagsan ee naloo qabtay” sidaasi waxaa yiri qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan Laascaanood.

Muddooyinkii dambe waxaa magaalada Laascaanood ka soconayay howlgallo lagu banneenayey wadooyinka xiran ee magaaladaasi iyadoo kuwa kalena laami la saarayay.

Goobjoog News