U bood dhigaalka

Maamulka degmada Wadajir oo ka hadlay howlgallo ku saabsan ammaanka iyo nadaafada

Sheeko:War

Maamulka degmada Wadajir ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta bilaabay dadaallo lagu ballaarinayo wadooyinka waaweyn ee dagmadaasi.

Guddomiyaha degmada Wadajir Axmed Cabdulle afrax ayaa u sheegay Goobjoog FM in maanta ay wadaan howl gallo lagu doonayo in lagu furo wadooyin dhowr ah oo soo gala degmada Wadajir iyo wadooyin kale oo isku xira degmooyinka deriska la ah Wadajir

Waxa uu sidoo kale sheegay guddomiyaha in howl galkaasi uu qeyb ka yahay oloaha nadaafada iyo dib u soo celinta bilicda degmada.

Afrax ayaa ugu baaqay shacabka degan goobaha sida gaarka ah uga soconaya howl galladaasi in ay ka sii guuraan goobaha sharci darrada ee deegaansadeen dhowr sano si loo helo ayuu yiri guddomiyahu isu socod wanaagsan.

Dhanka kale, gudoomiyaha oo ka hadlay howl-gal ciidamada dowladda ay ka wadaan xaafado ka mid ah degmadaasi ayaa waxa uu sheegay in ciidamadu ay baarayaan hubka aan sharciga ahayn ee yaalla gudaha dagmada.

Axmed Cabdulle ayaa ugu dambeyn xusay in dowladdu ay dadaal ugu jirto xasilinta ammaanka caasimadda Soomaaliya ee Muqadisho, waxaana uuna ka digay in hub aan sharci ahayn lagu dhex sito wadooyinka degmadaasi.