U bood dhigaalka

Wanlaweyn: Rag Isbaaro Dhiganayay Oo Gacanta Lagu Dhigay

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Wanlaweyne ee gobalka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in ciidamada xooga dalka Soomaaliya ay gacanta kusoo dhigeen rag hubeysnaa oo shacabka Isbaaro u dhigan jiray.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee degmadaasi Abukar Ibraahim Cabdi ayaa u sheegay Goobjoog News in hadda ragga ay hayaan la hor geynayo cadaallada, laakiin tiradooda ma aanu inoo xaqiijin.

Sidoo kale gudoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay la dagaaleen rag kale oo hubeysnaa misane wadada u galayay gaadiidka shacabka ah ee halkaasi ku safra.

“Ciidamada xooga dalka iyo maamulka oo is garabsanaya waxaan ku guuleysanay inaan qabano burcad magaca ciidanka xooga dalka meel uga dhaceysay, shacabka ayeey dhibaato ku hayeen, kuwo kalena waan la dagaallannay, kuwa harayna meesha ay tagaan ayaan ka daba galeynaa” ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka.

Ugu dambeyn gudoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka ee maamulka degmada Wanlaweyn Abukar Ibraahim Cabdi ayaa sheegay in degmadaasi ay ammaan tahay, ayna ka howlgalaan ciidamada Gutada Lixaad ee xooga dalka Soomaaliyeed.

Goobjoog News