U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Warta-nabada oo Ka Warbixiyay Dad Lagu Rasaaseeyay Degmadaasi

Sheeko:Amniga

Maamulka degmada Warta-nabada ee gobolka Banaadir ayaa ka warbixiyay nin hubeysan oo rasaas ku furay guri mingiska lagu tumo oo ku yaalo degmadaas.

Guddoomiyaha degmada Warta-nabada Seyban Xaabseey oo tagtay guriga dhacdada ay ka dhacday ayaa sheegtay in nin hubeysan oo aan la garaneyn wuxuu yahay rasaas uu ku furay guri mingiska lagu tumo oo ku yaalo xaafadda Waaxda koowaad Janaraal daa’uud ee degmada War-ta nabada,halkaasina ku dhibaateeyay dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

“ Dadkaas  8-Qof baa dhaawac ah iyo Qof dhimasho ah, baaris ayaa socota, annaga kan maamul ahaan iyo Boolis waxaan la wareegnay gurigii mashaqada ay ka dhacday, dadkii dhibaatada gaartayna waxaan geynayo cisbitaalo, ayay tiri guddoomiye Seynab Xaabseey.

Lama oga sababta uu ninkan hubeysan arrintaan u sameeyay,balse waxaa dhacdadaan baaritaan ku haya ciidanka Booliska.

Goobjoog News