U bood dhigaalka

Maamulka degmada Xamar jajab oo baaraya khasaaraha iska hor imaad ka dhacay nawaaxiga dekeda Muqdisho

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Xamar jajab ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay baaritaan ku hayaan khasaarihii ka dhashay rasaas ay nawaaxiga dekedda Muqdisho isku weydaarsadeen ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha maamulka degmadaasi Axmed Cismaan Dhoore oo u waramay GoobjoogFM ayaa tilmaamay in ciidamadan dagaalkoodu uu ka bilowday kadib markii askari ka mid ahaa ciidamada booliska oo dadka lacag ka qaadaya ay nabad sugida ciidamo ka tirsan ku amreen in uu hubka dhigo kadibna uu ka dhaga adeegay taasi oo keentay in ay isla goobta ku dagaalamaan ciidamadaasi.

Guddoomiyaha ayaa xusay in ciidamadaasi rasaastii ay is weydaarsadeen   uu khasaare ka soo gaaray dadka shacabka ah ee ku nool nawaaxiga dekedda Muqdisho hase ahaatee ay baaritaan ku hayaan tirada rasmiga ah ee wax ku noqday rasaastaasi.

Iska horimaadka ayaa waxaa laga dareemay inta badan magaalada Muqdisho iyadoona uu cabsi geliyay shacabkaku nool caasimada waxayna dadku ka muujiyeen walaac.

Hoos ka dhageyso wareysiga Max’ed Abuukar Kulmiye uu la yeeshay guddoomiyaha: