U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Xudur Oo Ka Warammay Khasaaraha Ka Dhashay Dagaal Ka Dhacay Xudur

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa faah faahin ka bixiyey dagaal khasaare kala duwan geystay oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab, kaasi oo  ka dhacay duleedka degmadaasi.

Guddoomiyaha degmadaasi, Maxamed Macallin oo wareysi siiyey Goobjoog News ayaa sheegay in weerarka dagaalka ay lahaayeen ciidamada dowladda iyo kuwa K/galbeed, bartilmaameedkooduna ahaa sida uu sheegay fariisin Al-shabaab ku lahaayeen halkaasi.

Mar uu ka hadlay guddoomiyaha Xudur, khasaaraha ka dhashay dagaalkan ayuu sheegay in dhankooda ay ka dhimatay Shan Askari, kuwo kalena ay kaga dhaawacmeen, isaga oo dhanka Al-shabaabna sheegay iney ka dileen dagaalyahanno ka badan 10.

“Ciidamada ayaa qaaday howlgalkaan, annaga dhankeena Shan Askari ayaa nagaga dhimatay, kuwo kalena waa ay inaga dhaawacmeen, xaaladda hadda waa mid deggan…Nabad diidka iyagaba khasaare xooggan ayaan soo gaaarsiinnay” ayuu yiri guddoomiyaha.

Dhanka kale, Al-shabaab kama aanay hadal dagaalkan ka dhacay duleedka degmada Xudur iyo khasaaraha dhankooda soo gaaray.

Goobjoog News