U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Xudur Oo Sheegay In Ay Al-shabaab Kala Wareegeen Deegaano Ku Dhaw Degmadaasi (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

XudurMaamulka degmada Xudur ee gobalka Bakool ayaa shaaca ka qaaday in ay ciidamada dowladda ay la wareegeen deegaano dhowr ah oo hoostaga degmadaasi, ka dib markii Al-shabaab ay halkaasi isaga baxeen

Maxamed Macalin Axmed oo ah Gudoomiyaha Dagmada Xudur oo la hadlay Goobjoog FM, ayaa sheegay in ciidamada dowladda oo kaashanaayay kuwa AMISOM ee ka socda dalka Itoobiya ay si buuxda ula wareegeen ilaa 6 tuulo oo muddo badan maamulayeen Al-shabaab.

“Ciidamada waxay la wareegeen ilaa Lix Tuulo, waxaana howlgalada ay yihiin kuwo socda, ilaa iyo hadana weynu kusii socon donnaa deegaanada kale ee dhiman” ayuu yiri Gudoomiyaha.

Dhinaca kale Gudoomiyaha degmada Xudur Maxamed Macalin ayaa sheegay in shacabka ku nool dhamaan deegaanada lagala wareegay Al-shabaab ay aad ugu faraxsanyihiin imaanshiyaha ciidamada dowladda waa sida uu hadalka u dhigaye.

Al-shabaab weli dhankooda kama aanay hadlin hadalkaan kasoo yeeray gudoomiyaha degmada Xudur ee ku aadan in lagala wareegay deegaano badan oo ku dhaw degmadaasi.

Halkaan Hoose ka dhageyso Wareysiga Gudoomiyaha degmada Xudur.

Goobjoog News