U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Xudur Oo Sheegay Iney Billaabayaan Howlgallo Ka Dhan Ah Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa sheegay in dhowaan ay deegaannada ku dhow degmadaasi ka  billaabi doonaan howlgallo ka dhan ah Xarakada Al-shabaab.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee maamulka degmadaasi Aadan Cabdi oo wareysi siiyey Goobjoog News ayaa sheegay in la diyaariyey ciidamo isugu jira xoogga dalka iyo Booliiska Koonfur Galbeed, kuwaasi oo  uu tilmaamey  iney ku bixi doonaan deegaannada ay Al-shabaab kaga sugan yihiin gobolka Bakool, gaar ahaan kuwa ku dhow degmada Xudur.

“Waxaan diyaarinney ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Booliiska ee Koonfur Galbeed, waxay qaadi doonaan howlgallo ka dhan ah Al-shabaab, waxaan kaashan donnaa kuwa AMISOM, haddii aaney dhicinna kaligeen baa ku bixi doonnaa meelaha ay nabad diidka qabsadeen” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka.

Sidoo  kale guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga degmada Xudur ayaa sheegay in maalmihii ugu dambeeyey ay degmadaasi soo gaareen qoysas badan oo barakacayaal ah, kuwaa oo kasoo barakacay deegaannadii ugu dambeeyey ee Al-shabaab ka qabsadeen gobolka Bakool.

Dadkan ayuu sheegay iney u baahan yihiin gurmad bini’daannimo, islamarkaana dadku ay u badan yihiin haween iyo carruur, isaga oo ku baaqay in gurmad lala soo gaaro.

Goobjoog News