U bood dhigaalka

Maamulka Degmada X/weyne Oo Sheegay Inay Raadinayaan Rag Dhac u Geysta Dadka Shacabka Ah

Sheeko:Dalka

Maamulkaa degmada X/weyne ee gobolka Banaadir ayaa sheegay inay wadaan dedaal xooggan oo ay ku doonayaan inay kusoo qabtaan rag uu sheegay in dhac ay u geystaan shacabka ku  sugan degmadaasi.

Guddomiye ku xigeenka dhanka arrimaha bulshada maamulkaasi Maxamuud Cali Xasan oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay inay wadaan dadaalka ay ku baadigoobayaan raggaasi islamarkaana ay jiraan dad badan oo ay soo qabteen.

Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay inay wadaan howlgallo ay degmada X/weyne uga sifeynayaan dadka ka ganacsada waxyaabaha maanka dooriya.

“Maalmahan ciidamada Booliiska waxay wadeen dadaal ay ku doonayaan inay ku suuliyaan waxyaabaha maanka dooriya, sidoo kale waxaa la wadaa howlgallo ka dhan ah ragga shacabka ka dhaca taleefannada gacanta ah, islamarkaana ku iibiya meello ka mid ah suuqa degmadaasi, maalin walbo waa la qabtaa, qaar badan ayaa loo gudbiyey xabsiga dhexe, qaar kale oo waxaa jira dhuuqaya Koolada oo iyaguna dhaqan celin loo sameynayo”

Dhinaca kale Guddoomiye Maxamuud ayaa sheegay in maalin walbo degmadaasi ay ka sameeyaan olole ay kusoo celinayaan bilicda iyo nadaafadda degmadaasi.

Ciidamada ammaanka ayaa dhowr jeer waxay howlgallo ka sameeyeen suuqa degmada X/weyne iyaga oo soo qabtay rag ay sheegeen inay ka ganacsanayeen Taleefannada gacanta ee lasoo dhacdo.

Goobjoog News