U bood dhigaalka

Maamulka Deynuunay: Xerada Iyo Deegaanka Waxa Ay Gacanta Ugu Jirtaa Dowladda

Sheeko:Dalka

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda ee Deynuunay Zakariye Xaaji oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in Deynuunay xerada iyo deegaanka ay gacanta ugu jiraan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Guddoomiye Zakariye waxaa uu intaasi ku daray in  saaka 5:00 subaxnimo ay soo weeareen xerada Deynuunay xarakada Al-shabaab, rasaastana ay socotay wax ka badan 40 daqiiqo, iyagana ay iska caabiyeen.

Dhinaca kale, in kasta uu ka gaabsaday khasaaraha halkaasi ka dhashay, waxaa uu sheegay in hadda ciidamada dowladda ay joogaan Lowgaduud oo 8 KM u jirta Deynuunay isla markaana ay ku daba-jiraan.

Warar saaka soo baxay ayaa sheegayey in xarakada Al-shabaab ay qabsatay xerada Deynuunay  kadib dagaal saacado qaatay,

Wararka arrinkan ku saabsan, kala soco, Goobjoog News

Goobjoog News