U bood dhigaalka

Maamulka Gaalkacyo Oo Maaro u La’ Ganacsatada

Sheeko:Dalka

Maamulka magaalada Gaalkacyo ee dhanka Galmudug ayaa sheegay in ay maaro u la’ yihiin ganacsatada magaaladaasi, kadib markii ay soo badatay diidmada lacagta shilinka Soomaaaliga.

Xirsi Yuusuf Barre oo ah guddoomiyaha Gaalkacyo ayaa u sheegay Goobjoog News, in saameyn weyn ay ka dhalatay lacagihii ay ganacsatadu diideen.

Waxa uu tilmaamay in ka maamul ahaan ay sameeyeen dedaallo badan oo ku aadan sidii lacagahan loo qaadan lahaa, balse weli aanay suurtagelin.

Sababta ugu weyn ee loo diidayo lacagaha ayuu ku sheegay kadib markii dhowaan dowladda federaalka Soomaaliya ay sheegtay in ay soo daabici doonto lacag cusub.

Shalay, dibadbax ka dhacay magaalada Gaalkacyo ayeey shacabka ku muujiyeen sida ay uga xun yihiin lacagaha laga diiday iney wax ku iibsadaan.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News