U bood dhigaalka

Maamulka Gaas Oo Siyaasiyiin Xabsiga Dhigay Iyo Mas’uuliyiin Arrinkaas Sharci-darro Ku Tilmaamay

Sheeko:Dalka

Maamulka Puntiland ayaa waxaa uu xabsiga dhigay siyaasiyiin horey  xilal kala duwan ka soo qabtay dowladdii KMG ee federaalka  iyo maamulka Puntiland.

Siyaasiyiinta la xiray waxaa ka mid ah: Daahir Cabdulqaadir Muuse oo loo yaqaan Daahir Ciirro oo horay u soo noqday xildhibaan dowladdii KMG aheyd, Dr Cabdirixmaan Siciid Maxamud (Dhegaweyne)oo xilal kala duwan ka soo qabtay maamulka  Puntiland sida Agasimaha hay’adda la dagalanka Aids ka PAC iyo Wasiirkii Caafimaadka maamulladii hore ee Puntland, Duni Maxamed Guulato oo Ganacsade  ah iyo Faysal Faarax Cali Agaasimaha Isbitaal soo noqday.

Hadaba, Guddoomiyaha golaha madashan badbaadada Puntland la magac baxday Abshir Cali Halow ayaa Goobjoog News uga warbixiyey xariga loo geystay siyaasiyiintaan.

“Waxaa nimankaan siyaasiyiinta ah, Ganacsatada ah lagu xiray sharci darro,wax sharci ah oo ay ku xiranyihiin haba yaraatee ma jirto, kuwaani kuwo ka soo horjeeda ma ahan,  waa kuwa ilaaliyo amniga oo habeen iyo maalin ka shaqeynaya mar walbana waxay kula dardaarmi jireen shacabaka in la ilaaliyo ammaanka oo aan wax dhib ah la sameynin”.

Siyaasiyiintan ayaa la sheegayaa in ay ka hadleen shirkii Kismaayo iyo arrimo la xiriira federaalka Soomaaliya arrintaas oo sida muuqata uu dhibsaday maamulka Cabdiweli Gaas.

Maamulka Puntiland ayaa waxaa uu xabsiga u taxaabay Siyaasiyiin iyo ganacsatada kadib markii uu ku eedeeyay in ay qalqalgalinayeen deegaannada maamulkaasi.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada