U bood dhigaalka

Maamulka Gal-mudug oo ka hadlay ammaanka koonfurta Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Maamulka Gal-mudug ayaa ciidamada ammaanka maamulkaasi ku dhiira geliyay dar dar gelinta ammaanka magaalada Gaalkacyo.

Hadalkan ayaa waxaa yiri guddoomiyaha Barlamaanka maamulkaasi Xasan Maxamuud Hayl mar uu booqday xeryaha ciidamada maamulkaasi ay ku jiraan.

“Ammaanka xarumaha maamulka Gal-mudug waa mid aad u sareeyo oo gaarsiisan in lagu shaqeeyo, waxaana ku dadaali doonaa sidii uu u sii waari lahaa ammaanka hada aan haysano” ayuu yiri Xasan Maxamuud Hayl.

Waxa uu sheegay guddoomiyaha Barlamaanka maamulkaasi in ciidamada ammaanka magaalada Gaalkacyo marar badan ay ka hor tageen falal lidi ku ah ammaanka.

Hadalka masuulkan ka tirsan Gal-mudug ayaa ku soo beegmay xilli dhowaan deegaanada Gal-mudug rag hubeysan ay ku dileen ruux haweeney ah isla markaana maamulku uu sheegay in ay ku daba jiraan ragii dilka geystay.