U bood dhigaalka

Maamulka Gal-mudug Oo Martigelinaya Dadka Kasoo Cararay Yemen

Sheeko:Dalka

Maamulka Gal-mudug State ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin martigelinta dadka dib uga soo laabanaya dalka Yemen oo hadda dagaallo ay ka socdaan.

Muxudiin Yuusuf Samatar oo kamid ah maamulka degmada Gaalkacyo ayaa sheegay in xiligani loo baahan yahay in Soomaalida ay caawiso walaalahooda ku dhibaateysan wadanka Yemen, iyaguna ka maamul ahaan ay dadkaasi dhibka la qeybsan doonaan.

Waxa uu sheegay sheegay Muxudiin in dadkaasi ay u baahan yihiin u gurmasho oo laga qeyb qaato sidii wadanka dib loogu soo celin lahaa, cid walbana ay waajib ka saaran tahay in dadkaasi ay soo dhaweyso, islamarkaana ay marti geliso inta ay ka helayaa ehladooda dalka ku sugan ama deegaan la dejiyo loo sameynayo.

Galmudug ayuu sheegay inay door wanaagsan ka ciyaari doonto sidii dadkaasi ay dib loogu soo celin lahaa dalka Soomaalida oo ayna u helaan Hoy hagaagsan. 

Goobjoog News