U bood dhigaalka

Maamulka Gal-mudug Oo Sheegay In Ay Wadaan Qorshe Lagu Xalinayo Dagaalo Ka Dhacay Deegaanka Saaxo

Sheeko:Dalka

galmudugMaamulka Gal-mudug ayaa sheegay in hadda ay wadaan qorshe ay ku doonayaan in lagu damiyo xiisadaha ka jira deegaanka Saaxo ee duleedka gobalka Mudug, halkaasi oo shalay dagaal xoogan uu ka dhacay.

Aweys Cali Saciid oo ah gudoomiyaha gobalka Mudug ee Maamulka Gal-mudug ayaa isaga oo u waramay Goobjoog Fm, waxa uu sheegay in dagaalkaasi uu u dhaxeeyo beelo halkaasi wada dega, islamarkaana ka maamul ahaan ay aad ugu xunyihiin.

Dadka halkaasi ku dagaalamay ayuu sheegay in ay waligood wada deganaayeen, waxaana uu tilmaamay in ay jiraan dad kale oo isku dayaya in beelahaan ay isku sii diraan waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Anaga waan ka xunnahay dagaaladaasi, waxaan ku baaqnay in la qaato nabadda, mana ahan in dadka la’isku sii huriyo, waxaana haboon in nabadda la wada qaato, ilaa haddana waan ku baaqayaa Nabadda” ayuu yiri Gudoomiye Aweys Cali Saciid.

Shan qof ayaa ku geeriyootay dagaal culus oo shalay ka dhacay deegaanka Saaxo, waxaana sidoo kale jira dhaawac intaasi ka badan, iyadoo Odayaal dhaqameed ay bilaabeen sidii lagu xalin lahaa xiisadaan.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News