U bood dhigaalka

Maamulka Galgaduud Oo Sheegay Iney Kaalin Ka Qaadanayaan Daminta Xiisadda Caabudwaaq

Sheeko:Dalka

Maamulka gobolka Galgaduuud ayaa sheegay in ay kaalin xooggan ka qaadanayaan daminta xiisad ka jirta degmada Caabudwaaq, taasi oo u dhaxeysa beello halkaasi wada deggan.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka waxbarashada maamulka Galgaduud ee Galmudug Cabdullaahi Colaad Faarax oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in  ka maamul ahaan aysan marnaba gacmaha ka laaban doonin daminta colaadda Caabudwaaq.

“Annaga ka maamul ahaan waan wadnaa dedaal walbo oo nabadeed, waxaan xiriiro la sameynay dhammaan dhinacyada isku haya degmada Caabudwaaq, waxgaradkii iyaguna kaalintooda ayeey wadaan”

Dhanka kale guddoomiye ku xigeenka dhanka waxbarashada ee gobolka Galgaduud Cabdullaahi Colaad ayaa sheegay in dagaalladii ka dhacay degmada Caabudwaaq ay saameyn ku yeesheen dhammaan adeegyadii bulshada ee degmadaasi.

3-dii bishan dagaal u dhaxeeyay maleeshiyaad u abaabulan qaab beeleed ayaa ka dhacay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, waxaana dagaalkaasi uu sababay dhimashada 6 qof iyo dhaawaca 15 ruux oo shacab u badan.

Goobjoog News