U bood dhigaalka

Maamulka Galmudug Iyo Ahlu-sunna Oo Maanta Heshiis Ku Kala Saxiixanaya Cadaado

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta la filayaa in magaalada Cadaado ee gobalka Galgaduud ay heshiis ku kala saxiixdaan maamulka Galmudug iyo Ahlu-sunna Waljameeca.

Kulamo ayaa maalmihii ugu dambeeyay magaalada Cadaado waxaa ku lahaa Labadaan dhinac, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda heshiis la kala saxiixdo.

Ahlu-sunna Wlajameeca waxaa heshiiskaan u matali doona gudoomiyaha Seddaxda gole ee Ahlu-sunna Sheekh Ibraahim Guureeye iyo saraakiil kale.

Dhanka Galmudug waxaa heshiiskaan u saxiixi doona madaxweynaha maamulkaasi Cabdikariin Xuseen Guuleed, waxaana wararka laga helayo Madaxtooyada Cadaado ay sheegayaan in badi la’isku afgartay Qodobada heshiiska, goor dhawna la wada saxiixi doono.

Wasiirka Arimaha gudaha iyo Federaalka xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa ayaa la filayaa in heshiiskaan uu goobjoog ka noqdo.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News