U bood dhigaalka

Maamulka Galmudug Iyo Puntland Oo Loogu Baaqay In Ay Wada Hadlaan

Sheeko:Dalka

Mid ka mid ah waxgaradka ku dhaqan gobalka Mudug ayaa ugu baaqay maamulada Puntland iyo Galmudug in wada hadal ay galaan si loo dhameeyo xiisad walba oo dhanka siyaasadda ka jirta.

Nabadoon Cali Diiriye Aloore oo u waramay Goobjoog News ayaa ugu baaqay maamuladaasi in ay eegaan danaha shacabkooda, islamarkaana ay ilaaaliyaaan derisnimada.

Nabadoonka ayaa sheegay in hadii ay is fahmaan, misane ay heshiiyaan Galmudug iyo Puntland ay ka dhignaan doonto in si taas la mid ah Soomaalida wax kala tabaneysana ay u heshiiyaan.

“Puntland iyo Galmudug waa maamulo deris ah, waana in wada hadal ay galaan, maxaa yeelay hadii aysan iyaga wada hadal shacabka ayaa dhibaato ku qaba, waxaana leeyahay hadii ay si niyad ah ku heshiiyaan maamuladaan, waxaa iska cad in Soomaali dhan is fahmi doonto” ayuu yiri Nabadoonka.

Maamulka Puntland ayaa siyaasad ahaan diidan maamulka Galmudug, inkastoo madaxweyne Guuleed uu sheegay in wada hadal uu la furayo maamulka ay deriska yihiin ee Puntland.

Goobjoog News