U bood dhigaalka

Maamulka Galmudug Oo Farriin Ku Aadan Xeraalle u Direy Ahlu-sunna

Sheeko:Dalka

Maamulka Galmudug ayaa ugu baaqay maamulka Ahlu-sunna Waljameeca ee gobollada dhexe in aysan xilligaan colaad ka abuurin deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud, halkaasi oo maalmahan ay ka taagneyd xiisad u dhaxeysa Ahlu-sunna iyo maamulka Galmudug.

Wasiirka dib u heshiisiinta maamulka Galmudug Cismaan Maxamed Cali Socdaa oo la hadlay warbaahinmta ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay wadaan dedaallo ku aadan sidii nabad loogu noolaan lahaa deegaanka Xeraale.

Ahlu-sunna ayuu sheegay in looga baahan yahay iney dib ula laabato ciidamada ay keentay duleedka degmada Xeraale si shacabka barakacay ay dib ugu soo laabtaan guryahooda.

“Waan ka xunnahay wax ka jira Xiraale, waan maqalnay wax aka jira halkaasi, waxaan aad u jecelnahay in Ahlu-sunna ay ixtiraamaan dadkaasi Soomaaliyeed ee deegaankooda deggan, arrintaan odayaal dhaqameed baan xiriir kala sameennay, waxaa loo baahan yahay in Xeraale aan colaad laga abuurin” ayuu yiri wasiirka.

Ahlu-sunna ayaa ciidan aad u badan islamarkaana wata gaadiid dagaal waxay dhowaan geysay deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud, waxaana deegaankaasi ka barakacay shacabkii deganaa.

Goobjoog News