U bood dhigaalka

Maamulka Galmudug Oo Go’aan Ka Gaaray Dhul Muddo Lagu Muransanaa

Sheeko:Dalka

Maamulka Galmudug ayaa go’aan ka gaaray dhul barkadeed ku yaalla deegaan u dhaxeeya Bandiiradleey iyo Docoleey ee goballada Mudug iyo Galgaduud, halkaasi oo mudo lagu muransanaa.

Wasiiru dowlaha dowladaha hoose ee Galmudug Cumar Maxamed Diiriye  iyo guddoomiye xigeenka dhinaca siyaasadda iyo amniga ee gobalka Mudug Cabdi Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay arrimahaan, saxaafaddana u sheegay qodobada laga soo saaray.

Go’aamadani waxaa saxaafadda u aqriyay wasiiru dowlaha arrimaha gudaha oo sheegay in shaqaaqo ka jirtay deegaanka u dhaxeeya Bandiiradleey iyo Docoleey laga gaaray go’aamadani.

Go’aamada waxaa kamid ah:-

  • Wax Baraak ah oo la qodi karo in aysan jirin
  • Baraagaha la isku heysto in la xabaalo (la duugo)
  • Saldhig Boolis oo laga hirgaliyo deegaanka
  • Qofkii ku xadgudba go’aankaasi inuu bixinayo ganaax ah Toban Milyan oo Shillin Soomaali ah.

Murannadii horay halkaasi uga jira ayaa sababay gacan ka hadal dhex maray dad halkaasi wada deganaa, iyadoo dhimasho iyo dhaawac ay ka dhalatay.

Goobjoog News