U bood dhigaalka

Maamulka Galmudug Oo Guddi u Saaray Xallinta Dagaallo Ka Dhacay Xadka Gobolka Galgaduud Ee Itoobiya

Sheeko:Dalka

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in guddi loo saaray xallinta dagaal beeleedyo ka dhacay xadka gobolka Galgaduud ee Itoobiya, kuwaa oo ka kooban waxgarad iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulkaasi.

Wasiirka dib u heshiisiinta iyo Dastuurka Galmudug Cismaan Maxamed Cali ayaa sheegay in guddigani ay ka shaqeyn doonaan xallinta dagaalladaasi.

Ka wasaarad ahaan ayuu sheegay in waajibkeedu yahay in dadka isugu yeerto, la dhex fariisto dadka dagaallamay si loo helo nabad iyo kala dambeyn.

“Waxaan dirnay wafdi oo weli maqan kuwaa oo loo diray dhammaan deegaannada xadka Galgaduud ee Ityoobiya ah waxaa ku maqan xildhibaanno, wasiiro iyo Odayaal dhaqameed, marka wasaaradda inay abaabusho sidii loo wada hadli lahaa waa waajib na saaran, waana ka shaqeyneynaa sidii dadka walaalaha ee dagaallamay loo xallin lahaa” ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka oo sii hadlayey ayaa tilmaamay in isku dhacyada beelaha ay inta badan ka dhashaan deegaan iyo Biyo hase ahaatee ay jiri karaan gacmo siyaasadeed ka shaqeeya is qabadka maleeshiyaadka beelahan dagaallamaya.

Dagaallo u dhaxeeya beello walaalo ah ayaa dhawaan kasoo cusboonaaday deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud, gaar ahaan kuwa dhaca dhanka xadka Itoobiya.

Goobjoog News