U bood dhigaalka

Maamulka Galmudug Oo Ka Hadlay Dadaallada Lagu Heshiisiinayo Beello Dhawaan Dagaallamay

Sheeko:Dalka

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in meel wanaagsan ay u mareyso dadaallada nabadeed ee lagu heshiisiinayo beello dhawaan ku dagaallamay deegaanno uu ka arrimiyo maamulkaasi.

Wasiirka Dastuurka iyo dib u heshiinta Galmudug Cismaan Maxamed Cali oo la hadlay barnaamijka Maxaa Lagu Heshiiyey ee Goobjoog ayaa sheegay in beelahaasi xabad joojin la kala dhex dhigay islamarkaana hadda uu billaaban doono ka hadlay khasaarihii Labada dhinac soo kala gaaray.

Wasiirka ayaa tilmaamay in Galmudug ay aad ugu mashquul santahay heshiis la kala dhex dhigo dhammaan beelaha ku dagaallamay deegaannada Galmudug.

“Annaga shaqadeenu waxay tahay inaan isku keenno dadka dirirsan, waxaan rabnaa in Galmudug aan ka dhammeynno wax walbo oo colaad ah, hadii bulshadu heshiis noqoto waxaa la helayaa nabad, xasilooni iyo wax wada qabsi” ayuu yiri wasiirka.

Maamulka Galmudug ayaa horay ugu guuleystay xallinta beello walaalo ah oo ku dagaallamay deegaanno dhowr ah kana kala tirsan Mudug iyo Galgduud.

Goobjoog News