U bood dhigaalka

Maamulka Galmudug oo Ka Warbixiyey Dagaalkii Ka Galgaduud

Sheeko:Amniga

Taliyaha guutada 15-aad ee ciidanka xoogga dalka qeybta 21-aad General Mascuud Maxamed Warsame ayaa warbixiyey dagaal ciidamada xoogga iyo Al-shabab ku dhex maray gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliaya.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidanku la  wareegay deegganno hoosta degmada Ceelbuur sida uu hadalka” Ciidamada oo qaadanayo awaamiirta madaxdooda waxaa ay qaadeen tallaabooyin amniga lagu xaqiijinaayo, allah mahadiisna waxaa lagu guuleystay in laga fogeeyo deegaannada, ciidamadu waxaa ay gaareen deegaanno hoos tago degmada Ceelbuur” ayuu yiri taliyaha.

Taliyaha oo sii hadlaayo ayaa yiri” Ujeedkeenu waa in meel kasto ay shacabka ku dhibaayaan aan gaarno, shalay dagaal weyn madhicin ee waxaa dhacay baacsi, khasaare xoog leh ayaan gaarsiinay meedkooda iyo dhaawaca meel kasto ayuu yaallaa” ayuu yiri taliye Mascuud Maxamed Warsame.

Hadalka kasoo yeeray taliye Taliyaha guutada 15-aad Mascuud Maxamed ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo deeggaanno ka tirsan Galmudug ay isku horfadhiyaan ciidamo katirsan xoogga dalka iyo dagaalamayaal ka tirsan  Al-shabab, waxaana maanta degan deegaannadii shalay lagu dagaalamay.

Goobjoog News