U bood dhigaalka

Maamulka Galmudug Oo Ku Biiray Maamullada Taageersan Sacuudiga iyo Imaaraadka

Sheeko:Dalka

Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa ku biiray taageerada go’doominta isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka carabta ay ku hayaan dalka Qatar, arrintaas oo ka soo horjeeda go’aankii dowladda federaalka ah.

Qoraal ay soo saareen waxaa lagu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya  ay go’aan gaartay  6-dii bishii June, iyadoo aan la tashan dowlad goboleedyada Soomaaliya,  arrintaasina ay saameyn doonto dhammaan Soomaalida.

Qoraalkan waxaa ka dhex-muuqda in shirkii madasha hoggaanka qaranka ee lagu qabtay Muqdisho,  xukuumadda federaalka ah u sheegeen in aaney qaadan Karin mowqif dhex-dhexaad ah, marka la fiiriyo xiriirka taariikhiga ah eek ala dhaxeeya Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Horay waxaa go’aanka dhex-dhexaadnimada ee dowladda federaalka ah ka istaagtay xiisadda Khaliijka ka hor yimid Somaliland, Koonfur Galbeed iyo Puntland.

Dowladda federaalka ah ayaa weli ku taagan mowqifkeeda dhex-dhexaadnimada ah, waxaana weli aan go’aan gaarin maamullada Hirshabeelle iyo Jubbaland.

Goobjoog News