U bood dhigaalka

Maamulka Galmudug oo Ku Guuleystay Xalinta  Colaado Ka Taagnaa Gobalka Mudug

Sheeko:Amniga

Geneneraal Cabdi Jamac cabdulle xabeeb oo ka tirsan saraakiisha amniga Galmudug iyo  masuulkiyiin ka socday maamulkaasi ayaa ku guuleystay xallinta colaado ka jiray deegaanno ka tirsan gobalka Mudug .

Deegaanada Kaxan-dhaale, Daca-dheer iyo deegaano kale ayaa mudooyinkii dambe waxaaa ku dagaalamayey maleshiyaad xoolo dhaqato  ka soo jeeda, deegaanka , kuwaa oo isku haystay daaqsinka iyo waraabka biyaha

Sarakiishaan ayaa sheegay in ay heshiis kala dhex dhigeen beelaha colaadu ay dhexmartay ,waxayna u rajeeyeen in aysan dib u soo laaban dagaaladaasi ka dhacay gobalka.

Joojinta colaadaha u dhexeeya dadka xoolo dhaqatada ah waa dadaal ay wadaan dawlad goboleedka Galmudug iyo dawlada federaalka,kaas oo la doonayo in lagu nabadeeyo dadka walaalaha ah.

Goobjoog News