U bood dhigaalka

Maamulka Galmudug Oo La Dhaliilay

Sheeko:Dalka

Odayaal iyo waxgarad kulan ku yeeshay degmada Guriceel ee gobalka Galgaduud ayaa dhaliilay maamulka Galmudug ee Madaxweynaha uu ka yahay Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Waxa ay sheegeen xubnahaan kulanka ku yeeshay degmada Guriceel, in aysan la dhacsaneen hanaanka hadda uu u shaqeynayo maamulkaasi iyo sidoo kale qaabka uu wada hadalka kula galayo dadka maamulkaasi kasoo horjeeda.

Sidoo kale waxa ay waxgaradkani kasoo horjeesteen wasiirada Cusub ee Galmudug oo ay sheegeen in aanu ahayn wasiirro ku yimid la tashi iyo is faham.

Nabadoon Maxamed Aadan Koodle oo ka mid ah waxgaradkaasi ayaa u sheegay Goobjoog News in dowladda Federaalka ay ka doonayaan faragelin degdeg ah inay kusoo sameyso waxa ka socda Galmudug.

“Anaga maamulkaan qaabka uu u hano qaaday raali kama nihin sababtoo ah shaqo badan ayaan ka fileynay laakiinse la tashi la’aan iyo shaqo aan socon baa meesha ka muuqata, sidaa darteed waxaan ugu baaqaynaa dowladda Federaalka in arrinkaasi ay degdeg wax uga qabato” ayuu yiri Nabadoonka.

Dhaliillo kala duwan ayaa loo jeediayay maamulka Galamudug ee uu madaxweynaha ka yahay Cabdikariin Xuuseen Guuleed, xilli heshiis uu la galay garab ka mid ah Ahlu-sunna Waljameeca.

Goobjoog News