U bood dhigaalka

Maamulka Galmudug Oo Lagu Wareejiyey Raashiin Gargaar Ah Oo Ka Yimid Dowladda Turkiga

Sheeko:Dalka

Wasiirka Gargaarka bini’aaadannimada iyo daryeelka naafada Galmudug Shire Xirsi Maxamuud ayaa sheegay inay heleen qeybtii Galmudug kaga soo aadday raashiin gargaar ah oo dhawaan dowladda Turkiga ugu deeqday Soomaaaliya.

Raashiinkaan oo laga soo dejiyey dekadda Boosaaso ayaa wasiirka waxa uu sheegay in si nabad galyo ah ula wareegeen islamarkaana dhawaan ay qeybin doonaan, waxaana uu u mahadceliyey cid walbo oo kaalin ka qaadatay in raashiinkaan la gaarsiiyo Galmudug iyo dowladda Turkiga oo raashiinkaan dalka keentay.

“Dadaal badan baa loo galay in uu soo gaaaro Galmudug raaashiinkaan gargaaarka ah oo dowladda Turkiga dalka keentay waana uga mahacelinaynaa dowladdaasi, raashiinkaan waxaan u qeybin donnaa dadka reer Gaalmudug ee u baahan mucaawinada, Galmudug ma aanay arag muwaacino muddo dhowr sano ah, waxaan sameyn donna shaxdii lagu qeybin lahaa” ayuu yiri wasiir Xirsi.

Wasiirka oo hadalkiisa sii watay ayaa sheegay inay ka baaraan dagayaan qaabka loo qeybin lahaa raashiinkaan maadaama deegaanno badan oo Galmudug ka jirto xaalad adag oo dhanka nolosha ah.

“Raashiinkan waa la xareynayaa, kadibna waxaan rabnaa in laga baaaraan dego qaabka loo qeybinayo maadaama deegaannada ay baahiyo kala duwan qabaan, todobaadkaan gudahiisana waa la billaabi doonaa qeybintiisa”

Raashiinkaan gargaarka ah oo dowladda Turkiga ugu deeqday dadka Soomaaliyeed ayaa la gaarsiiyay dhammaan maamul goboleedyada dalka ka jira si loo siiyo dadka u baahan.

Dowladda Turkiga ayaa aad loogu xusuustaa taageeradii xoogganeyd ee ay u fidisay shacabka Soomaaliyeed ee ay ku habsatay abaartii 2011 xilli indhaha caalamka ay kasii jeedaan Soomaaaliya.

Goobjoog News